Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu la kulmay ku-xigeenka Raysal Wasaaraha Isutaga Imaaraadka Carabta

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xisbiga Kulmiye oo ku saxeexan yahay Afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi ayaa waxa lagu sheegay kulan dhexmaray Guddoomiyaha Kulmiye, ahna musharaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare ku-xigeenka Isutaga Imaraadka Carabta Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan isla markaana ah Wasiirka Madaxtooyada Imaaradda Abu Dubai.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan oo ah Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, isla markaana ah Wasiirka Madaxtooyada Imaaradda Abu Dubai.

Kulanka Guddoomiyaha Kulmiye la yeeshay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadka oo ahaa mid gaar ah oo qaatay muddo saacado ah waxay kaga wadahadleen arrimo badan oo ku saabsan danaha labada waddan ee Somaliland iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta, gaar ahaana imaaraadda Abu Dubai, xidhiidhka labada dawladood iyo sii xoojinta wax-wadaqabsi ka dhexeeya.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan qodobada ugu mudan ee ay ku falanqeeyeen wadahadalkooda waxa ka mid ahaa;

  • In kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
  • Arrimaha nabadgalyada gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa ka wadashaqayntooda si loo ilaaliyo ammaanka mandaqada.
  • Waxay lafa-gureen taakulada dawladda Imaaraadka Carabtu siiso Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha kale ee dawladda Somaliland danaynayso in gacan laga siiyo si ay horumar uga samayso arrimaha shaqo abuurka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
  • Guddoomiyaha Kulmiye iyo Raysal-wasaare-ku-xigeenka Imaaraadku waxay ka wada hadleen sidii labada waddan u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka ganacsi iyo isu-socodka labada ummadood ee walaalaha ah iyo weliba qodobo kale oo muhiim ah.

Dhinaca kale, weftiga Madaxweynaha Axmed Siilaanyo oo isku dhan waxay galinka dambe ee maanta la kulmi doonaan Sheikh Mahamed bin Rashid Al Maktoum oo ah Raysal-wasaaraha dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka Isutaga Imaraadka Carabta, isla markaana ah maamulaha Imaaradda Dubai, kaasoo ah masuulka fidiyey marti-qaadka weftiga Somaliland ku joogaan Imaaraadka Carabta.

ALLAA MAHAD LEH.

  

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

_________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyemanager@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.