Guddoomiyaha Kulmiye wuxu magacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu u magacacaabay Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cadde.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirane waxa uu u dhignaa sida tan:

Ku: Xuseen Aadan Cadde                                                                        =Hargeysa =

 

Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE                                                        =Hargeysa =

Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE                                                         =Hargeysa =

Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud              =Hargeysa =

 

Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE

Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.

Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso.

Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:

  • In Xuseen Aadan Cadde – Laga bilaabo maanta, January 15th, 2017, uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad (3-aad) ee xisbiga KULMIYE. 

Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.

NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

 ______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.