Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Kiiniya oo xafiiskiisa ku qaabily dhiggiisa Somaliland

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kiiniya Dr. Willy Mutunga ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland Prof. Aadam Xaaji Cali Axmed oo safar shaqo ku jooga Nayroobi.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Kiiniya Dr. Willy Mutunga waxa uu hadiyad u siiyay Dastuurka Kiiniya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland markii uu soo booqday.

Prof. Adam ayaa  Guddoomiyaha Maxkamadda  Sare ee Kiiniya si weyn ugala sheekaystay iskaashi dhexmara iyo waliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka garsoorka Kiiniya oo aad u hor marsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ayaa intii uu joogay Kiiniya ka qayb galay laba shir oo caalami ah.

Booqashadan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kiiniya ayaa waxay u soo kordhin kartaa in ay wax ka bartaan nidaamka garsoorka waddamada aynu jaarka iyo tayeynta bahda garsoorka Somaliland.

bandhige@gmail.com