Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay shirar Caalami ah

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ah ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci  ku dhisan  iyo   maamulka  ku dhisan hanaanka axsaabta badan ee Qaarada Africa” (Open Law- Africa Conference 2015,  the free Access to Law in deepening  Rule of Law and Democracy ),  waxaanu ka dhacay Nariobi, Kenya, 12-13 Octorber,  waxa soo wada  qabanqaabiyay African Legal Information Institute (AfricanLii) , SAFLII ( South African legal information institute), University of Cape Town iyo  Kenya Law.

Shirka labaad waxa  uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa  kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Deegaanka  (1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law – Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), waxaanu ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober. Waxaana soo qaban qaabiyay  UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.

Shirka  hore waxa maalintiisa  hore ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Kiiniya Dr: Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo  gudibinaysay fariin ah  in hadii Afrika xaga sharciga isu furto in ay khibradooda  is waydaarsan doonaan,  isla markaana  la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof. Aadam Xaaji Cali Axmed,  isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala baran karo sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho qorshe iyo siyaasad guud ahaan Afrika iyo qaybaheeda kale duwan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkada Sare waxa ay kulan gaaban wada qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda  Sare ee Kiiniya iyaga oo ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan maalinta beri si ay ugu wada hadlaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kiiniya oo aad u hor marsan.

gud shir 3 gud shir 4

bandhige@gmail.com