Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxu Hargeysa ku qaabiley wefti ka socda Ururka Caalamiga ah ee dhismaha nabadda

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socday  Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda (Interpeace).

Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2021 (Shalay), shir la yeeshay madaxa Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda (Interpeace) Mr Theo Hollander oo ay wehelinayeen Muuna Ducaale, Axmed Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis Muuse.

Wada-xaajoodka oo daaranaa sidii loo horumarin lahaa dhismaha nabadda, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta ayaa lagu lafa-guray, sidii ururka Interpeace ugala shaqayn lahaa Jamhuuriyadda Somaliland arrimahaasi.

Mr Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabadda, xalinta khilaafaadka iyo dedaallada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqadda. Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Geesta kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helidda nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalku, waxa kale oo uu guddoomiyuhu tibaaxay sida garsoorka dalku u fidiyay adeeggii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega. Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeegga garsoorka bulshaduna uga baaqato socdaal ay u soo gali lahaayeen magaalooyinka waaweyn. Taasi oo dhabaha u xaadhay, sidii muwaadiniintu xaqooda ugu heli lahaayeen sifo nabdoon.”

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com