Guddoomiyaha UCID oo Baarliin kaga qayb-galaya shir caalami ah

Sida ku dhigan war-saxaafadeed uu na soo gaadhsiiyey Xidhiidhiyaha Laamaha Dibedda ee Xisbiga UCID Muxiyadiin Cabdiraxman Cali, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe wuxu casuumad rasmi ah ka helay guddoomiyaha baarlamaanka Jarmalka Prof. Dr. Norbert Lammert.

Guddoomiye Faysal wuxu toddobaadkan u socdaali doonaa magaalo-madaxda Jarmalka, Baarliin, iyadoo uu shirku halkaas si rasmi ah uga furmi doono Khamiista.

Waxa shirkan caalamiga ah ka soo qayb-galaya xunbaha baarlamaanka aqalka Bundestag ee hadda xilka haya iyo kuwii hore uga tirsanaan jiray, siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, xubno ka socda bulshada iyo saaxiibbada Jarmalka oo ka kala iman doona dunida dacaladeeda.

Ujeeddada shirku waa sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee aqalkani Bundestag uu qaybaha kala duwan ee bulshada la leeyahay, labada maalmood ee uu socdo-na waxa lagu falanqayn doonaa mawduucyo door ah.

Shirkani waa kii labaatanaad ee noociisa ah ee lagu qabto Jarmalka, ka-qaybgalka Guddoomiye Faysal-na wuxu mujinayaa dedaallada uu sida joogtada ah ugu jiro fidinta iyo ballaadhinta qadiyadda Somaliland. Sida caadada ahna Guddoomiyuhu wuxu soo maraa waddamada saamaynta ku leh siyaasada adduunka, iyada oo uu haatanba socdaal ku joogo d Imaaraatka Carabta halkaas oo uu kaga qayb galay shir muhiim ah.

Xidhiidhiyaha Laamaha Dibedda ee Xisbiga UCID
Muxiyadiin Cabdiraxman Cali

mux36133@gmail.com