Guddoomiyaha Waddani ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Waddani ayaa maanta si ballaadhan Hargeysa ugu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Waddani ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Cabdiraxmaan  Aadan Daahir oo ka soo degay madaarka Hargeysa.

Waxaana soo dhaweyntii Guddoomiyaha ka qeyb-qaatay Guddoomiye-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Guddoomiye-xigeenka shannaad ee xisbiga Milgo, Xoghayaha warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Faadumo Sicid, Guddoomiyaha Ingiriiska Xuseen Aadan Cadde iyo qaar ka mid ah hoggaanka xisbiga.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo ka dib soo dhaweyntaas qolka nasashada kula hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegayin ay si aada u soo dhaweynayaan mas’uulkan, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu yahay mas’uul ku qaaliya Waddani oo kaalin firfircoon kaga jira hawlaha xisbigaas, isaga oo tilmaamayna in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta si ballaadhan ugu qaabilaan uguna soo dhaweeyaan Hargeysa. Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsan ahay ka xisbi ahaan in aanu maanta si ballaadhan ugu soo dhaweyno Cabdiraxmaan Hargeysa, runtiina waa nin nagu qaali ah oo uu door firfircoon kaga jiro hawlaha xisbiga, waxaa ku tusinaysa in maanta dhammaanba Waddani mas’uuliyintiisii oo dhami ay u timi si ay uga qeyb-galaan soo dhaweytiisa marka laga reebo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo hawlo ku yimi darteed innoo soo haleeli waayey in uu innagala soo qey-galo soo dhaweynta. Cabdiraxmaan, waxaanu ku leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo, waana aan ku faraxsan ahay imaatinkaaga aad noo timi.”

Xoghayaha Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Marwo. Faadumo Siciid iyo Safiirka Wareega ee Waddani Suhuur oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba, waxaa ay ku dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Cabdiraxmaan, waxaana ay sheegeen in ay ku soo dhaweynayaan dalka, iyaga oo dhanka kalena tilmaamay in uu yahay mas’uul aad ugu qaali ah Waddani.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka Cabdiraxmaan Aadan Daahir oo isna ugu danbeyntii halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn aad ugu mahad-celiyey dhammaan madaxda iyo taageerayaasha xisbiga Waddani siddii ballaadhnayd ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha badan ee ay ugu qaabileen madaarka Hargeysa, isaga oo dhanka kalena ka hadlay hawlaha Waddani ee Minnesota iyo guud ahaanba waqooyiga Ameerika, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Farxadweyn, ayaa ay ii tahay sida qiimaha badan ee aad ii soo dhaweyseen, iiguna qaabisheen garoonka diyaaradaha ee Hargeya, idinka oo isku dhan madaxdii iyo dhammaanba taageerayaashii Waddani, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Runtiina anigu waxaan ka imi Minnesota, waxaana aan fariin salaam ah idiinka sidaa dhammaanba reer Mareykan iyo Kanada oo dhan. Annagu ka xisbi ahaan hawlo badan ayaanu qabanay intii aanu wadnay hawlaha xisbiga, waxaana aan odhan karaa, maanta runtii Waddani guul weyn ayaa uu ka gaadhay Gobalka Mennisota iyo guud ahaanba dalka Mareykanka, maalin walbana waxaanu soo dhaweynaa taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga roganaaya Kulmiye.”

Masuuliyiintii Waddani ee dalka dibeddiisa ayaa dalka kusoo guryo noqayey oo masuuliyiinta Waddani ee guduhuna kusoo dhaweynayeen dalka, halka masuuliyiin tiro badan oo Waddani ahi ay iska casileen xilalkii ay u hayeen Xisbiga.

bandhige@gmail.com