Guddoomiyaha Waddani oo dhagax-dhigay xarun caafimaad oo ay ka dhisayaan xaafada Aktoobar

????????????????????????????????????

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa dhagax dhigay xarun caafimaad oo ah qeybta dhalmada iyo daryeelka hooyada(MCH) isla mar ahaantaana ay ka xisbi ahaan u dhisi doonaan xaafadda Aktober ee degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa.

Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan in ay ka xisbi ahaan ay xaafadda Aktober kala qeyb-qaataan dhisidda xarun caafimaad oo lagu daryeelo laguna xanaaneeyo hooyada xilliyada dhalmada, sida oo kalena xarun caafimaad u noqota dadka jilicda san ee xanuunsanaaya, isagoo arrintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi:

“Waxa farxad noo ah in aanu shacbiga xaafaddan degan Aktober ee baahida weyn u qaba rug caafimaad oo lagu daryeelo laguna xanaaneeyo hooyada oo ay muddo dheer sugaayey, balan-qaadyo badana la siiyey oo suurto-geli waayey sida ay sheegeen dhowr sanno, maantana ay iyagu doonayaan in ay billaabaan oo wixii ay jeebabkooda ka helaan ay ku billaabaan, markaa marka hore waa aan ku hambalyeynayaa dadka xaafadda oo ay rugaha caafimaad ee u dhow ay aad uga fog fog yihiin, inkasta oo xaafaddu dad danyar ah u badan tahay, dhaqaalaheeduna aanu fiicnayn, muddo badana ay ka sugayeen xukuumadda, waxa aan u sheegaynaa shacbiga in aanu xisbi ahaan kala qeyb-qaadan doono oo aanu dhaqaale ka geysan doono, ugu baaqeyno taageerayaasha xisbiga guddaha iyo dibeddaba in wixii ay u karayaan ay u soo diraan, sida oo kalena ganacsatada iyo hay’adahana waxa aan ugu baaqeynaa in ay shacbiga kala qeyb-qaataan.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaana aanu insha Allah rajeynaynaa in ay baahidaas laga baxo oo aanu anaguna gacan ka geysano, dadka aanu xusnayna ay gacan ka geystaan, waxaana aanu guud ahaan shacbiga ugu baaqeynaa in ay ku dhiiradaan in ay iyagu wax-qabsan karaan oo ay billaabaan, marka ay billaabaana waxa ay ila tahay waajib ayey noqonaysaa in gacan la siiyo oo la la dhammeystiro mashaariicda yar yar ee baahiyaha aas aasiga ah, caafimaadkuna waa kuwa ugu muhiimsan bani-Aadamka.”

Qaar ka mid ah hooyooyinkii iyo odeyaddii halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba Waddani uga mahad-celiyey dhagax-dhigiddan xarunta caafimaad.

bandhig@gmail.com