Guddoomiyaha Waddani wuxu hambalyaynayaa nabadda ay qaateen Buuhoodle iyo Qorilugud (War-saxaafadeed)

Guddooomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Abdilaahi “Cirro”wuxu hambalyo u diray beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud oo ka heshiishay shaqaaqadii dhex martay isla markaana nabad ay iyagu ka raali yihiin wada qaatay. War-saxaafadeed maanta Bandhige soo gaadhay wuxu u dhignaa sidan:

War-saxaafadeed:
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo ku hadlaya magaciisa, ka xisbiga iyo guud ahaanba taageerayaasha Waddani meel kasta oo ay ka joogaan gudo iyo debadba, waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa Labada beelood ee walaala ah ee muddada dheer colaaddu u dhaxaysay ee maanta inta ay caqliga ka shaqaysiiyeen coladdii ku bedeshay nabad iyo walaalnimo waari karta.

Guddoomiyuhu, waxaa uu sheegay in nabadad dhex martay labada beelood ee walaalaha ahi ay tahay mid dhex martay dhammaanba shacbiga Somaliland, waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay una soo dhaweynayo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa uu Illaahay ka baryey in uu guud ahaan ummadda reer Somaliland ka yeelo kuwii ku waara nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Waddani waxaa uu u mahad-naqayaa waxgaradka labada beelood iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay nabadda. Odayaasha Buuhoodle iyo Qorilugudna waxa uu ku ammaanay dedaalka iyo xilkasnimada waayeelnimada leh ee ay ku xakameeyeen colaaddii iyo dilalkii dhacay si nabad loo gaadho.

Waxaan ku boorinayaa bulshada gobolka Buuhhodle iyo Qorilugad in ay yihiin wiil iyo walaal, cid kastana ay iska xigaan. Waa abti, inaabti, eddo, habaryar iyo walaalo isku dhiig ah iskuna dhaqan ah o oo nafta iyo xooluhuba ka dhexeyaan. Sidaas darteed, walaalayaal nabaddu waa horumarka ubadkiina iyo deegaankiina iyo guud ahaan ummadda Somaliland, Illaahay haynoo siyaadiyo.

Bandhige@gmail.com