Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex iyo guddoomiye kuxigeenka ayaa maanta kulan la yeeshay maamulayaasha dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargaysa.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex Axmed Shariif Ibraahim, iyo Guddoomiye kuxigeenka gobolka M/jeex Saleebaan Siciid Saleebaan ayaa maanta kulan la yeeshay maamulayaasha dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargaysa.

Kulankaas oo lagu lafaguray habsami u socodka nidaamka waxbarashada dugsiyada ayaa waxa laga soo saaray qodobasan hoos ku qoran

1.in laga wada shaqeeyo badqabka ardayga iyo in wacyigelin u sameeyaan maamulka dugsiyadu wadayaasha gaadiidka ardayda qaada isla markaana ay ka war-hayaan xaalada guud ee ammniga dugsiyada.

2. In tirada ardayda fasalada ku jirta in la xadido iyada oo laga duulayo siyaasadaha iyo xeerarka waxbarahada isla markaana kor loo qaado tayada waxbarashada ardayga iyo cafimaadkiisa ba.

(3) in la fuliyo wareegtooyinka ka soo baxa warasaradda waxbarashada sida, kal-tirsiga waxbarashada iyo xeerarka kale ee waxbarashada u dejisan

(4) in la hirgeliyo dib u cusboonaysiinta rusqada dugsiyada iyo qaadashada liisanka macallinimo

5) in ardayda fasalka kowaad ee dugsiga sare ay faraan maamulka dugsiyadu soo qaadashada shahaadada fasalka 8-aad si loo sugo taxanaha waxbarasho ee ardayda iyo

6) in la dhammaystiro xogta ardayga (Education Management Information System EMIS) ee ku dhimman ardayda dugsiyada qaarkood.