Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Magaalada Ceerigaabo Kulan Kula Qaatay Maamulka Gobolka Sanag Iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku gudo jira hawlihi nabadaynta ee uu joogay magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta kulan la qaatay  Badhasaabka Gobolka Sanaag Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro , Maayirka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Xirsi Qani .

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Badhasaabka, ayaa Ujeedadiisa daarnayd dadaallada  uu Gudoomiyuhu ugu jiro, daminta colaadda ka dhacday Gobolka Sanaag, gaar ahaan Deegaanka Ceeryaan.