Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Jabuuti

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta abaaro 12:15 ka dhoofay, Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee  Cigaal international Airport, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay  dawladda Jabuuti.

Safarkan guddoomiyaha  ayaa qaadan doona muddo totobaad ah, waxaanu kulmo la qaadan doonaa masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Jabuurti, safaaradaha Ingiriiska, Maraykanka, Itoobiya, waxayna ka wada hadli doonaan arrimaha mandaqada oo ay ugu horayso dhinaca amniga, hor-u-marka iyo guud ahaan xaalada geeska Afrika oo ay ugu horayso Somaliland iyo Jabuuti.

Dhinaca kale wararka ka imanaya dhinaca Jabuuti ayaa sheegay in gudoomiye Cirro si diiran loogu soo dhaweeyey Jabuuti.

Maaha markii u horeysay ee uu gudoomiye Cirro martiqaad noocan oo kale ah  ka helo dallalka dariska  ah, hase yeeshee, waxa uu marar badan martiqaadyo noocan kale ah ka helay dalka Itoobiya.

bandhige@gmail.com