Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobolka Salal oo cambaareeyey cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay dadka socotada ah

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Salal Faarax Maxamed Yuusuf oo shir-saxaafadeed ku qabtay Saylac ayaa si adag u cambaareeyey lacago dheeri ah oo Wasaaradda Maaliyaddu gaar ahaan waaxdeeda Gobalka Salal ee degmada Saylac ay ku soo rogtay dadka socotada ah ee u kala gudba Somaliland iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha Gobalka Salal ee Waddani ayaa sheegay in maamulaha wasaaradda Maaliyadda u qaabilsan Gobalka Salal uu dhibbaato aad u badan oo isagu jira xadhig, cago-juglayn iyo handidaadba uu ku hayo shacabka Gobolka iyo guud ahaanba kuwa Somaliland, isaga oo tibaaxay in hadda ay ku soo rogeen lacagan dadka iskaga kala gooshaya Somaliland iyo Jabuuti. Guddoomiyaha oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Aniga oo ah Guddoomiyaha Waddani ee Gobalka Salal waxa aan halkan ka cambaaraynayaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Salal, gaar ahaan maamulaha Kastamka Saylac oo dhibbaatooyin fara-badan ku haya shacabka Gobalka Salal iyo dadka socotada ah ee iskaga kala gudba xuduudka Somaliland iyo Jabuuti. Maamulaha oo ugu hanjaba ama ugu cago-jugleeya shacabka Gobolka Salal in uu awood dheeraad ah ka haysto dhinaca Madaxtooyadda Somaliland oo inta Madaxweyne Siilaanyo uu talada hayana uu joogayo, waxaana uu sida oo kale uu dhibaatooyin fara badan oo isagu jira xadhig iyo cago-juglayn uu kula kacaa dadka u kala socda deegaanada Somaliland iyo Jabuuti isaga oo dusha ka saara cashuur xad dhaaf ah oo aanay qaadi karin, waxaana uu qofkiiba ka qaadaa lacag dhan 31 dollar iyada welibana aan cashuurtaasi ahayn mid sharci ah oo laga ansaxiyey Golaah Wakiilada.”

Farxaan Maxamed Yuusuf oo ugu dambeyn hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay madaxda wasaaradda Maaliyada in si deg-dag ah ay wax uga qabtaan dhibaatada uu shacabka ku hayo Maamulaha wasaaradda Maaliyadda ee Gobalka Salal, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in Gobalka Salal uu yahay meelaha ugu badan ee uu sida aadka ah u saameeyey musuq-maasuqu, waxaana uu dhanka kalena xukuumadda u soo jeediyey in ay si deg-dag ah wax uga qabato cabashooyinka ka taagan gobalka Salal. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Haddaba waxa aan ugu baaqayaa wasaaradda Maaliyadda in ay wax ka qabato maamulahaas, haddii kale waxaad u sheegtaan shacabka in Gobalka Salal ka madax-bannaan yahay oo uu si toos ah looga xukumo Madaxtooyada, waxa kale oo aanu leenahay Gobalka Salal waxa uu noqday meelaha ugu musuq-maasuq badan dalka, xukuumadduna dhagaha ayey ka furaysatay waana in si deg-dag ah wax looga qabtaa dhammaanba cabashooyinka ka jira Gobalka Salal.”

bandhige@gmail.com