Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo magacaabay masuuliyiin cusub

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa waxa uu xilal cusub u magaacabay masuuliyiin ka tirsan Waddani, war-saxaafadeed magacaabistuna waxa uu dhignaa sida tan:

War-saxaafadeed

Hargaysa [BMC]-REF/XIS/WAD/XDH/2280/2015

Dec 29, 2015

KU: Barkhad Jaamac Xirsi=Hargeysa=

KU: Maxamed Abiib Yuusuf =Hargeysa=

KU: Yoonis Axmed Yoonis =Hargeysa=

KU:Axmed Cabdillahi Xuseen (Al-imam) =Hargeysa=

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xilal.

Markaandarsay: Qodobka 28aad iyo 29aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan

Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay: Kartida iyo Aqoonta Xubnahan

Ka dib la-tashi uu sameeyey hoggaanka xisbiga waddani wuxu Maanta oo taariikhdu tahay December 29, 2015ka go’aamiyey in la magacaabo xubnahan hoos ku qoran:

  1. Md. Barkhad Jaamac Xirsi

Xoghayaha Caddaaladda.

  1. Md. Maxamed Abiib Yuusuf

Ku-Xigeenka Xoghayaha Siyaasadda.

  1. Md. Yoonis Axmed Yoonis

Ku-Xigeenka Xoghayaha Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha.

  1. Md. Axmed Cabdillahi Xuseen (Al-imam)

La-taliyaha Guddoomiyaha ee Arrimaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Waxan illaahay uga baryeynaa inay ku soo biirin-doonan Xisbiga WADDANI fikrado cusub iyagoo kaashanaya aqoontooda iyo kartidooda.

 

ALLA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Maxamed Cadillahi “Cirro”

Guddoomiyha Xisbiga Waddani

 

bandhige@gmail.com