Guddoomiye Cirro wuxu kulan la qaatay haween ka mid ah beelaha Koonfurta Hargeysa

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan aad u ballaadhan oo haween-weynaha ardaaga Reer Goob-doob/Ciida-gale ay ku muujinaayeen cuddooda taageero oo ay ku biirinayeen Xisbiga WADDANI kula qaatay huteelka Scandinavian ee Koonfurta magaalada Hargeysa. Sidaa waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay warbaahinta Waddani. Faahfaahinta warkuna wuxu u dhigan yahay sidan:

Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, Siyaasi/Mujaahid Maxamed Baaruud, aqoonyahan, xildhibbaano iyo haween-weynaha ardaaga reer Gobdoon/Ciidagale.

Qaar ka mid ah haween-weynaha ardaaga Reer Gobdoon/Ciidagale oo halkaas ka hadlay isla mar ahaantaana ay ka mid ahaayeen Layla Kabataani, Kaltuun Maxamuud Xuseen iyo Xildhibbaanad Kawsar, ayaa dhammaantood ba waxa ay cod dheer ku muujiyeen in ay ku biireen Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay cududooda taageero cod iyo maal ba ay ku biiriyaan Xisbigaasi, waxaana sida oo kale ay hablaha beeshaasi caddeeyeen in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga horumarka iyo cadaaladda.

Siyaasi Maxamed Baaruud oo ka soo jeeda deegaanada Koonfurta Hargeysa oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in habalaha ka soo jeeda ardaaga reer Gobdoon ay si mugle ugu biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana uu cod dheer ugu sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay madasha kaliya ee aan laga aqoonin kala qoqobka iyo reernimada isaga oo tibaaxay in mudadii uu KULMIYE hayey talada dalka aan waxba loo qabanin dadka deegaanadan balse uu WADDANI noqon doono Xisbigii wax badan ka qaban lahaa baahiyaha deegaanadan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaas ka halday, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in hablaha ardaagaasi ay si ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, isaga oo aad ugu dheeraaday wax-qabad yada khuseeya baahiyaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin in loo qabto dadka deegaanaddaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in WADDANI uu noqon doono Xisbi saami-gooda siiya dadka ku dhaqan deegaanadan isla mar ahaantaana ay ka bixi doonaan dulmanaanta iyo wax-ka-qabasho la’aanta baahiyaha aas aasiga ah ee Koonfurta Hargeysa.

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com