Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka,ayaa maanta Soo gabagabeeyay Kulan Hawleed u dhaxeeyay Gudidda Qandaraasyada Iyo Masuuliyiin Ka Socday Baanka Aduunka (World Bank).

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi ahna Kusimaha Gudoomiyaha Gudidda Qandaraasyada ayaa maanta Soo gabagabeeyay Kulan Hawleed u dhaxeeyay Gudidda Qandaraasyada Iyo Masuuliyiin Ka Socday Baanka Aduunka (World Bank) Kulankaas oo Socday muddo Saddex Maalmood ah.

Kulankan Oo Ujeedadiisu ahayd Qiimaynta Nidaamka Qandaraas Ee Dalka ayaa Waxa Kasoo qayb-galay Wasaarada Maaliyada, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka,Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada, Xafiiska Xisaabadka Guud, Garyaqaanka Guud iyo Wasaarado Iyo Hay’addo Dawladeed oo Kale Iyo Khuburo Ku Takhasusay Qaybaha Iibka Casriga ah.

Kulanka Waxaa Ka Qayb Galay Gudoomiyaha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuled Oo Habka Fogaan Araga Kaga Qaybgalay ( Virtual Zoom) Agaasimaha Guud Ee Gudidda Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Xubno Ka Mida Gudidda Qandaraasyada Iyo Agaasime Waaxeedada Xafiiska Gudidda Qandaraasyada.

Waxyaalaha Lagu Falanqeeyay Intii Kulanku Socday Waxa ka Mida ah.
1. Xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa World Bank iyo Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka sii ba arrimaha la xidhiidha horumarinta nidaamka qandaraas bixinta Qaranka.
2. Daraasadda la xidhiidha joogteynta isbedelada (reforms) Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka uu sameeyey sannadihii la soo dhaafay ee la xidhiidhka “daadejinta nidaamka qandaraas bixinta Qaranka”.
3. Xoojinta aqoonta nidaamka qandaraas bixinta qaranka ee dhanka maamulka xirfahadaha qandaraasyada ee heerka sarre “Capacity building on public procurement and specialization”.
4. Darsida nidaamka qandaraas bixinta qaranka JSL iyo meelaha horumarka dhanka shuruucda iyo shaqada ee laga sameyn karo mustaqbalka.

Dhanka kale Hawlwadeennada Baanka Aduunku waxa ay soo Dhoweeyeen Wada Shaqaynta Ay La Yeesheen Xafiiska Gudidda Qandaraasyada Qaranka.

Alla Mahad leh