Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani oo kulan wada-tashi u qabtay xubno ka soo jeeda gobollada Awdal iyo Salel oo ku saabsan diwaan-gelinta codbixiyaha

????????????????????????????????????

Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa maanta kulan qado sharaf oo lagaga tashanaayey siddii deegaanadda galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal ay si habsami ah uga qabsoomi lahayd diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Hudhee Safari  ugu sameeyey siyaasiyiin, hal-door, aqoonyahan, dhallinyaro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Waddani oo ka soo jeea deegannadaasi.

Siyaasiyiintan iyo aqoonyahankan oo ka soo kala jeeday deegaanada gobalka Awdal iyo Salal oo uu ugu horreeyo Guddoomiye-ku-xigeenka Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Waddani  Pro. Qaasim Saleebaan Tubeec, Siyaasi Xasan Codyare, xildhibbaan Cali Aareeye iyo weliba xoghaye-xigeenka arrimaha siyaasadda ee xisbiga Waddai Maxamed Abiib.

Kulankan oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, ayaa ay mas’uuliyiintani diiradda ku saareen siddii iyada oo la isku duuban loogga wada qeyb-qaadan lahaa wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo la filaayo in ay deegaanaddaas ka billaabanto badhtamaha bisha foodda innagu soo haysa, sida oo kalena shacabka ku nool deeganaddaasi loo dareensiin lahaa muhiimadda ay u leedahay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, waxaana ay si buuxda isula waafaqeen in ay lama huraan tahay siddii shacabka deegaanaddaas iyo guud ahaanba dalka loogu wacyi-gelin lahaa diiwaan-gelinta codbiyeyaasha.

Ugu dambeyntiina, kulankan ayaa noqonaya mid dhabbaha u xaadhaya siddii ay siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ka soo jeeda deegaanaddaasi ay iskaga kaashan lahaayeen wacyi-gelinta diiwaan-gelinta iyo sida oo kale ku boorrinta shacabka ku nool deegannadaasi ka qeyb-qaadashada siddii ay isagu diiwaan-gelin lahaayeen kaadhka isbedelka ee ay ku dooranayaan ciddii haggi lahayd mustaqbal ahaan ka dib marka uu xilkaas banneeyo Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo wakhti sannadeedkiisii waxyar u hadhsan tahay.

Gobolka Awdal ayaa waxa uu noqonayaa gobolka labaad ee diwaan-gelinta codbixiyaha ka bilaabmi doonto bisha dambe.

bandhige@gmail.com