Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani waxa uu baaq taageero-doon ah u diray xubnaha Golaha Dhexe

Murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed  ayaa fariim u diray xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani kuwaas oo uu ugu baaqay in ay siiyaan codadkood si uu ugu guulaysto jagada musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka Waddani oo ay ku wada tartamayaa  Ambasadoor Maxamed Cali oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal.

Shirweynaha xisbiga Waddani ayaa waxa lagu wadaa in uu ka dhaco Hargeysa 19-ka bishan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com