Guddoomiye Kulmiye Muuse Biixi wuxu xadhigga ka jaray xafiis ay Burco ka furteen taageerayaal iskood isku abaabulay oo KULMIYE ka tirsani

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray xafiis cusub oo qaar kamid ah taageerayaasha is abaabulay ee xisbiga KULMIYE ka furteen badhtamaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Maanta.

Madasha xadhigga lagaga jarayey xafiiskan cusub, ayaa waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan xubno sare oo hoggaanka kamid ah, maamulka xisbiga ee gobolka Togdheer, xildhibaanno, wasiirro, taageerayaal tiro badan iyo xubno firficoon oo ka tirsan taageerayaasha tamarta badan ee KULMIYE, kuwaas oo ku bahoobay magaca bahda xoojinta KULMIYE, isla markaana iskood isu abaabulay.

Taageerayaasha is abaabulay ee xafiiskan cusub ka furtay magaalada Burco, ayaa muujiyey sida laxaadka leh ee ay isu abaabuleen, isla markaana diyaarka ugu yihiin inay dhammaanba taageerayaasha kala duwan ee xisbiga ee ku dhaqan daafaha kala duwan ee caalamka ku wacyigeliyaan sidii ay xisbiga taageero muuqata ula garab geli lahaayeen, waxana ay sheegeen inaanay cidna ku tiirsanayn, balse ay iskood ugu fikireen inay hawlaha xisbiga kaalintooda ka dardar geliyaan, wixii afkaar ahna la wadaagaan hoggaanka sare ee xisbiga.

Haween tiro badan oo ay kamid yihiin marwo Aamina-saado iyo xubno kale oo caan ku ah taageerada xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ujeeddada loo aasaasay xubnaha iskood isku abaabulay ee KULMIYE, waxana ay caddeeyeen inay wixii karaankood ah hiil iyo hooba la garabgeli doonaan xisbiga sidii ay horeba caanka ugu ahaayeen taageeradooda.

Caaqil Barkhad Shaybe, xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama) iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si hufan u hambalyeeyey taageerayaasha iskood isu abaabulay ee diyaarka u ah inay guusha xisbiga qayb weyn ka noqdaan, waxana ay tilmaameen inay iyaguna dhinacooda ka taageeri doonaan.
Guddoomiye-ku-xigeenka xubnahana taageerayaasha ee xoojinta KULMIYE Md. Liibaan Maaweel Shire oo halkaas hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, ayaa xusay inay ka kooban yihiiin taageerayaal daacad u ah KULMIYE oo ay ka go’an tahay inay dhismaha KULMIYE maal iyo muruqba gelin doonaan, isla-markaana uu guriga ay kiraysteen u furan yahay dhammaanba taageerayaasha KULMIYE meel kasta oo ay joogaanba.

Guddoomiye ku-xigeenka garabka Haweenka KULMIYE Marwo Dalays Shire Faarax iyo xubno kale oo kamid ah haweenka caanka ku ah taageerada KULMIYE oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey taageerayaasha KULMIYE ee sida gaarka ah isu abaabulay, kuwaas oo usoo banbaxay inay xisbiga dhisaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, ayaa isaguna midnimada taageerayaasha cusub ee diyaarka u ah dardargelinta hawlaha xisbiga ku tilmaamay qaaar ifafaale u ah inuu xisbigu guulaysanayo, isla-markaana hoggaanka xisbigu u arko nasri hore leh oo sahan u ah guul soo dhawaatay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo markii uu xafiiskan xadhigga ka jiray si kooban u hadlay, ayaa u mahadnaqay taageerayaasha xisbiga ee go’aansaday inay sii xoojiyaan cududda xisbiga, isla markaana sii hore usii wadaan xawaaraha uu xisbigu ku socdo, waxana uu tilmaamay inuu diyaar u yahay la shaqayn doontooda, isaga oo soo jeediyey inay taageerayaasha kale ee xisbiguna ku daydaan oo sidooda oo kale abaabul midaysan oo midho dhal leh muujiyaan.

bandhige@gmail.com