Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Daacish oo la dilay

War-saxaafadeed ka soo baxay Guriga Cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa lagu sheegay in Guddoomiye-xigeenkii koowaad ee kooxda Daacish lagu dilay duqayn dhinaca cirka ah oo ay gaysteen diyaaradaha ciidamada Maraykanku.

Sidoo kale waxaa isna toddobaad ka hor geeridiisa la xaqiijiyey oo ay ciidamada Maraykanku dileen Fadhil Axmed ka dib markii weerar lagu qaaday gaadhi uu la socday, sida lagu sheegay war ka soo baxay Guriga Cad ee Maraykanka looga arimiyo.

Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Xaaji Muctaaz ayaa ay saraakiisha Maraykanku ku xaqiijiyeen in uu ahaa qofka labbaad ee ugu sareeya kooxda Daacish, marka laga soo taggo Abubakar Al-Baqdaadi oo ah Guddoomiyaha kooda Daacish.

Sidoo kale waxa uu Maraykanku xaqiijiyey dhimashada Sarkaalkan ila markaana ay saamayn balaadhan ku yeelan doonto, hawlaha ururka xagjirka ah ee Daacish, haatana awoodo badan ku leh waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Dhinaca kale Fadhil Axmed oo ahaa Guddoomiye-xigeenka Daacish ayaa la sheegay inuu gacan wayn ka gaystay ururka Daacish, isla markaana uu u horseeday guulo badan oo wax ku ool ahaa oo ay ka mid ahaayeen qabsashada goob muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan.

Ururka Daacish ayaa isagu aan haatan wali wax war ah ka soo saarin dilka Guddoomiye-xigeenkoodan,

Maraykanka ayaa isaguna bilihii la soo dhaafey waxa uu kor u qaaday weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bar tilmaameedsanaayo saraakiisha kooxda Daacish.

bandhige@gmail.com