Guddoomiye-xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani oo xukuumadda Siilaanyo ku soo canaantay dilka saraakiisha ee soo noqnoqday

Guddoomiye-Xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta kula hadlay Boorama ayaa xukuumadda Siilaanyo ku canaantay wax uu ku macneeyey “gummaadka saraakiisha” wuxuna tacsi u diray Aadan Guuleed Daahir “Tallaabo”, taliyihii ciidanka birmadka ee Saaxil oo Khamiistii askari uu xukumayey oo toogasho ku dilay magaalada Berbera.

Axmed Muumin Seed wuxu sheegay in saraakiisha ay dilaan askartoodu uu yahay dhaqan la kawsaday xukuumadda Siilaanyo oo aan hore u jiri jirin.  Guddoomiye Seed wuxu sheegay in dilalkan caadada noqday ay sabab u tahay maamul-xumo baahsan oo hadhaysay xukuumadda Siilaanyo.

Guddoomiye Seed wuxu sheegay in loo baahan yahay in ay xukuumaddu dusha u ridato masuuliyadda wixii Khamiistii ka dhacay Berbera isla markaana ay qaaddo tallaabo ay degdeg caddaaladda ugu hor keenayso gacan-ku-dhiiglihii falkan gaystay.

Ugu dambayn, Guddoomiye Seed wuxu dadweynaha reer Berbera u soo jeediyey in ay ka fogaadaan rabshada isla markaana ay ku dedaalaan xasillooni iyo deggenaan.

Hoos ka daawo muuqaalka Star TV ee hadalka Axmed Muumin Seed.