Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee UCID oo ka hadlay loolanka musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye

Guddoomiye-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay loolanka ay musharixiinta faraha badani ay ugu jiraan musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye.

Cali Guray ayaa kaga waramay qoraal uu soo dhigay bogiisa Facebook-ga kaasi oo uu kaga waramay in uu tartan gooni ahi uu ka dhaxeeyo Madaxweyne Siilaayo iyo Guddoomiye Muuse Biixi, waxaanu u qornaa qoraalka Cali Guray sidan:

“Waar odaygii Madaxaynaha ahaa iyo Guddoomiyihii xisbigiisa maxaa kala haysta. Bal isagii baa leh aniga ayaa musharax ah shaashadihii TV-yadana habeen walba waxa taagan dad leh waxaanu nahay ergada reer Hebel Golaha Dhexe ee Kulmiye kaga jirta oo waxanu hal daba la’ ugu codaynaynaa musharaxa jagadda Madaxwaynaha  Muuse Biixi.

Haddii laga shakisan yahay in uu Madaxwaynuhu uu musharax yahay ee garanay wixii hoos loo kala shirsanayo balse waxa dheeraad ah kuwa warbaahinta sida tooska ah isu soo tubaya ama loo soo tubayo.

Tan kale maxaa u diiday inay si cad oo toos ah mar uun Madaxwaynaha iyo gudoomiyaha xisbigiisu u wada hadlaan intii aanay mudayn Kalfadhiga Golaha Dhexe 10ka Bisha November oo hadii madaxwaynuhu musharax yahay uu xaq uu leeyahay in aan cidi la Kale la tartamin ee hore Musharaxnimada loo siiyay doorashadii 2010kii markii uu ku guulastayna uu xaq u leeyahay in mar kale uu toos isu soo sharaxo hadii iskii aanu isagu uga tanaasulin sida ku cad dastuurka.

Waxan is leeyahay Kulmiye wax uu isu ogol yahay iyo wax uu heshiis ku yahay ama xataa ku heshiin karaa ma jirto.Inay isu badheedhi karaana u malayn maayo.

Labadan sanadood waxa doorashada dib loogu dhigay waa Kulmiye oo aan doorasho diyaar u ahayn inu helo wakhti uu ku kala baxo doorashona isugu diyaarin karo lakiin waxa muuqata in heshiis daaye aanu xataa shirba qabsan karin taas oo ah in aanay jirin wax doorasho ah oo dalka ka qabsoomi kartaa waayo dee doorasho uu ka maqan yahay xisbigii talada hayay inay qabsoonto Madaxwaynaha iyo xukuumadiisu ma aqbalayaan.

Haduu ahaan lahaa xisbi mucaarid ah looma joojiyeen ee labada xisbi ee kale ayuun bay noqon lahayd inay tartamaan Doorashada Madaxtooyada tan Wakiiladuna way u furnaan lahayd oo way ka qaybgeli lahaa. Maanta Somaliland dimuqraadiyad deedii iyo doorashooyin keediiba waxay u halis yihiin inay u burburaan kulmiye dartii. Waxan leeyahay uma qalmo Kulmiye inay Somaliland oo dhami u burburto khilaafka isaga gudihiisa ah ee khuseeya Kulmiye keligii ee aanay jirin cid kale uu khuseeyaa.

Marka aan Kulmiye aqaan ka fursan mayso inay odayga kelifaan oo mar kale is tahbiibo si uu u kala furto ban ka qooqyada aanu karin inu kala reebo iyo in uu kala raaco midna.

 

bandhige@gmail.com