Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee Awdal ayaa iscasilay, saluugna ka muujiyey hoggaanka garsoorka

 

Garyaqaan Idiris Faarax Muuse oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Awdal iyo Salal ayaa iscasilay.

Wuxu sidaa u xaqiijiyey Somali News TV oo uu gelinkii dambe ee Arbacadan telefoonka ugu warramay mar uu Hargeysa ka soo baxayey una sii jeeday xarunta Awdal ee Boorama.

Guddoomiye Idiris wuxu is-casilaaddiisa la xidhiidhiyey saluug uu ka muujiyey guddida cadaaladda iyo hoggaanka garsoorka wuxuuna sheegay in ay ku adkaatay in uu ka sii mid ahaato bahda garsoorka kadib markii uu arkay sida ay wax u socdaan.

“Waxa iscasilaaddayda soo dedejiyey dhalliilo badan oo ka jira guddida caddaaladda iyo garsoorka dhexdiisa, taasi oo aan arkay in aan lala sii shaqayn karin markii aan arkay waxyaabaha socda” ayuu yidhi Guddoomiye Idiris.

Idiris Faarax ayaa muddo kooban xilka hayey isaga oo ka mid ahaa garsooreyaal la magacaabay kadib markii ay guddida caddaaladdu isku-shaandhayn samaysay muddo kadib  wakhtigii uu xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare la wareegay Aadan Xaaji Cali.

Guddoomiyaha Racfaanku wuu ka gaabsaday in uu faahfaahin sababaha uu ku saluugay guddida caddaaladda iyo hoggaanka garsoorka wuxuna ku gaabsaday “Gadaal baan ka sheegi doonaa warkaas oo faahfaahsan.”

Garsoorka Somaliland oo muddo dheer dadweynuhu il-taban ku eegi jireen ayaa sumcaddiisu soo noolaanaysay intii uu hoggaankeeda qabtay Aadan Xaaji Cali. Guddoomiye Idiris wuxu noqonayaa masuulkii ugu sarreeyey ee is casilay intii uu Aadan hoggaanka garsoorka hayey dhalliil toos ahna u jeediya.

Bandhige@gmail.com