Guddoomiyihii ugu horreeyey baarlamaan Soomaaliyeed, Aw Jaamac Diir-qadhaadh, oo geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray

Waxa maanta Saambiya ku geeriyooday guddoomiyihii ugu horreeyey baarlamaankii midowgii Somaliland iyo Soomaaliya 1960 Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib “Diir-qadhaadh.”

War-saxaafadeed tacsi ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa sidan u dhigan:

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u diray, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid alle ha u naxariistee gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Marxuum Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib “Diir-qadhaadh” oo ku geeriyooday dalka Zambia magaalo madaxdiisa Lusaka13/07/2015.

Alle ha u naxariistee marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyey door muhiimana ka qaatay in aynu ka xorowno boqortooyadii Ingiriiska ee wakhigaa ina xukumi jirtay, xornimadana aynu ka qaadanay 26kii Juun 1960kii, balse nasiib xumo aynu ula tagnay calankeeni dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka dibna uu marxuumku noqday gudoomiyihii u horeeyey ee loo doortay Baarlamaankii dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, oo aynu ku hungawnay kalana soo noqonay 18-may-1991kii xornimadii inaga khasaartay 1960kii.

Marxuumku waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeisa 1930kii, isaga oo ifka kaga tegay 7 caruura.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.