Guddoomiyihii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud oo is casilay

Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Xasan Waraabe Cadde ayaa iska casilay xilka guddoomiyenimo ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud.

Xasan ayaan sheegin ujeedada is casilaadiisa balse ku dhawaaqay is casilaadiisa shalay oo ay bishu ahay 22-ka bisha sagaalaad.

Xasan Waraabe Cadde oo warbaahinta qaar la soo xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi:

“Anigoo ah Xasan Waraabe Cadde Waxaan si buuxda iskaga casilay jagada Guddoomiyanimada Ciyaaraha Fudud shalay oo taariikhdu ahaayd 22.9.2015. Waxaan cadeynayaa in aan dhallinyaradda sidaydii hore ee aan ugu adeegi jiray si mutadawacnimo ah aan ugu adeegi doono, wax kastana aan la qabto kamana caajisaayo maadaama aan u soo adeegayey 21 sannadood. Waxaan u rajeeynayaa in qarankeenu uu maalin maalmaha ka mida ahmiyadda koobaad siin doono dhallinyaradda iyo ciyaaraha.”

Balse Xasan ayaa xilka Guddoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud muddo aan si u fogayn, oo aanu wali wax muuqda oo la taaban karo ka soo hoynin jagada uu hayey ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud.

bandhige@gmail.com