Gudoomiyaha Degmada 26-ka Juun oo Bulshada Ugu Baaqay Adkaynta Nabadgelyada

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Degmada 26-ka Juun Marwo Ismahaan Axmed Cabdi ayaa bulsda ugu baaqday in ay ilaashadaan Nabadgelyada oo ay gacan ka siiyaan ciidanka u taagan sugida amniga.

Gudoomiyaha Degmada 26-ka Juun ayaa sidoo kale waalidiinta ugu baaqday inay ka war hayaan Caruurtooda iyo waxa ay qabanayaan, waxaanay ku boorisay in si gaar ah loola socdo dhaqdhaqaaqa Caruurta, inta aanay noqonin kuwa dadka dariiqyada u joogsada ee dhibaateeya, taasina ay keeni karto in xasiloodina xaafadda ay lunto.

Gudoomiyaha Degmada 26-ka Juun ee dawladda hoose ee Hargaysa Marwo Ismahaan Axmed Cabdi oo u warantay warbaahinta dawladda ayaa sidoo kale u soo jeedisay bulshada 26-ka Juun inay cashuurta bixiyaan si ay u helaan waxqabad buuxa, hawlaha Degmaduna ay u kala socdaan, waxaanay intaasi ku dartay in horumarku uu la socdo dakhliga ay degmadu soo xarayso.

Marwo Ismahaan Axmed Cabdi ayaa bulshada degmada 26-ka Juun uga digtay inay ka waan toobaan guryaha dayrarka leh ee ay ka hor dhisayaan jiingadaha, isla markaana ay hor dhigayaan dhagaxaan, taasi oo ay sheegtay inay bilicda degmada wax u dhimayso, waxaanay u soo jeedisay inay caadadaasi joojiyaan.

Ugu danbayn gudoomiyaha Degmada 26-ka juun ee Dawladda hoose ee Hargays ayaa ka warantay dhibtabay ku qabaan marka ay daadadku soo rogmadaan ee bulshadu ay biyo mareenada ku daraan khashinka waawayn ee xidhay halkii ay boyuhu mari lahayeen, waxyeelona gaysanaya marka ay meel ay maraan waayay, waxaanay bulshada ka codsatay inay khashinka adag ka daayaan biyo mareenada si ay biyuhu u helaan goob ku filan oo ay maraan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com