Guddoomiyaha Maxkamada sare ayaa ka war bixiyey kulan ay bahda garsoorka iyo caddaaladdu la yeesheen Madaxweynaha 

Gudoomiyaha Maxkamada saree ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa warbixin kooban ka bixiyey Nuxurka- kulan ay maanta bahda garsoorku la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Ku-xigeenkiisa.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa maanta kulan kasi kaga waramay inuu ahaa mid la iskula qaatay sidii  dardar-galin iyo huramar loogu samayn lahaa Cadaalada iyo garsoorka dalka.

Gudoomiyaha oo ka waramaya arimahaasina waxa uu yidhi’’ waxaanu maanta la kulanay Madaxweynaha Dalka iyo ku xigeenka, kaas oo maanta na qaabilay anaga oo ka kooban garsoorayaasha Maxkamada Sare,iyo xubnihii Gudida Cadaalada, isla markaana waxa uu nagala hadalay sidii kor loogu qaadi lagaa loona dardar-galin lahaa arimaha garsoonka, sidoo kale waxa uu halkaasi ka balan qaaday Madaxweynuhu uu wax kala qaban doono wixii baahiyahooda ah ee kala soo darsa arimaha garsoorka, ayu yidhi gudoomiyaha maxkamada saree e somaliland.

Waxaanu gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa uu intaasi raaciyey’’ madashaa waxa nagu wehelinaayay xubno kale oo wasiiro ah, oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada, madax faro badan oo kale, iyo aniga oo hogaaminaya bahda Cadaalada iyo Garsoorka Dalka.

Runtii aad ban ugu farasanahay kulanka Madaxweynaha waanan soo dhaweynaya, waxaanu halkaa ka sameeyey balanqaad, tallooyin iyo tusaale wax ku ool ah oo uu usoo jeediyey bahdaydan garsoorka, taas oo ah sidii aanu u dardar galin lahayn hawshayda shaqo.

Sidaa daraateed kulankaasi  waxa uu ahaa mid anaga qiimo weyn noogu fadhiya, waxaanu ahaa kulan wax ka taridoona xaga cadaalada iyo garsoorkaba, ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Sare  ee Somaliland .