Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu soo dhaweeyey kordhinta garsooreyaasha Maxkamadda Sarre

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali ayaa soo dhaweeyey magacaabista uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Maxkamadda Sare 8 Garsoore oo cusub. sidaasna waxa uu ku sheegay shir-saxaafadeed qoraalah oo uu soo saaray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay tiradda Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee uu Madaxweyne Siilaanyo kordhiyay. Wuxuuna sheegay inay ka gar-naqi doonaan 300 oo dacwadood oo Maxkamadduhu gacanta ku hayeen muddo dheer.

Qoraalkiisiina wuxuu u dhignaa sida tan:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ahi waxa uu uga mahad-naqayaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo tiradda u kordhiyey Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo Garsoorayaal dacwadaha dhaqaaajiya.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey talooyinkii talooyinkiia aan u soo jeedinay ee kordhinta Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, iyada oo Garsoorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh.

Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib u habaynta caddaaladda iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo mudo dheer Maxkamaduhu gacanta ku hayeen una baahan in laga gar-naqo.

Garyaqaan Adam Xaaji-Cali Axmed

Gudooomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada

 

bandhige@gmail.com