Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo xaqiijiyay in la xidhay Afhayeenkii iyo xoghayahii Xisbiga

Gudoomiyahaa xisbiga Waddani oo Daqiiqado kahor qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook Facebook waxa uu bulshada u xaqiijiyay in ciidamada booliiska Somaliland xidheen xoghayahii iyo Afhayeenkii xisbiga Waddani.

Qoraalka uu gudoomiyahu ku baahiyay social media ayaa soo gaadhay Bahda bandhige ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa.

Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.”

Bandhige@gmail.com