Guddoomiyaha xisbiyaga Waddani oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal toddobaad qaatay oo uu ku tagay Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani ย Cabdirahmaan Maxamed Cabdilaahi โ€œCirroโ€, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal shaqo oo todobaad qaatay oo ku tagay Jabuuti.

Guddoomiye Cirro oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta soo guryo noqdo dalkisii hooyo, lana ciido shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu u diray salaanta ciida shacabka reer Somaliland iy waliba umadda Islaamka ah.

Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Cirro kaย  hadlay masuuliyiin iska casishay xisbigaWaddani, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi:

โ€œSaaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay ka hayeen xisbiga Waddani markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeenย  iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen, xisbiguna waa xisbi dumuqraadi ah mana aha meel dadka lagu hayoย  qofkii doonaa wuu imanayaan kii doonana wuu ka baxayaaโ€

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi:

โ€œNinmankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saxiibo nala soo shaqeeyey ayey ahaayeen.โ€

Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxaanu ka hadal eedayna ay masuuliyiintii iska casilay xisbiga Waaddani ee ahayd in hogaanka xisbiga ka qayb muranka muddo kordhinta Golaha Guurtidu u kordhiyeen xukuumadda iyo Golaha Wakiilada muddo xileedkooda.

bandhige@gmail.com