Gudoomiye Cirro oo ka hadlay xaaladda dalka Laba sanno Oo xukumadda kulmiye xilka Haysay Iyo Dhibaatooyinka Ay Horseeday

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI  Oo Ka Hadlay Xaaladda Somaliland Laba Sanno Oo Xukumadda kulmiye Xilka Haysay Iyo Dhibaatooyinka Ay Horseeda.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo galabta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda ka taaggan Somaliland, khilaafka doorashooyinka iyo dhibaatooyinka xukuumadda Madaxweyne Biixi horseeday muddo 2 sannadood ah oo ay xilka haysay.

Halkan Ka Akhri Khudbadda Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ku asteeyay labadii Sanno ee Muuse Biixi xilka hayay.

Waxa uu gudoomiye Cirro Nasiib darro ku tilmaamay inay bulshada reer Somaliland ka muuqato rejo xumo baahsan iyo dayow aanay garaneyn meel lagu wado mudadaa xukuumadu talada haysay.

“maanta cabashada iyo yuhuun xumada waxaa ka sinmay muwaadiniintii dooratay iyo kuwii aan dooranba. waxa soo baxday oo dhalatay xukuumad ninka hagaya ay ku adagtahay ku dhaqanka sharciga, ay ka go’an tahay burburinta nidaamka iyo shuruucda lagu soo doortay” ayuu Cirro

Gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaya koomishanka doorashooyinka ee baarlamaanku shalay ansixiyeen waxa uu yidhi  “haddii aan u soo noqdo ceebtii iyo foolxumadii shalay dhacday ee ahayd inqilaabkii golaha iyo afduubkii sharci ee la sheegtay in lagu ansixiyey xubnihii xeerku xaaraantinimeeyey ka mid noqoshada Komishinka Doorashooyinka Qaranka. ‘Waxa aan mar labaad umadda u xaqiijineynaa in xisbiga WADDANI si aan ka noqosho lahayn u qaadacay la shaqeynta iyo kamid ahaanshaaha xubnaha la sheegtay in la ansixiyey, Xisbiguna diyaar uma aha in uu xalaaleeyo ama jideeyo wax aan sharciga dalka waaqafsanyn.

Hoos ka daawo war-saxaafadeedka gudoomiyaha oo muuqaal ah: