Gudoomiye Cirro oo taageerayaasha xisbiga ee gobolka M/jeex ugu baaqay inay isugu yimaadan xarunta xisbiga

Guddoomiye Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlayay xarunta xisbiga ayaa wuxuu ku dhawaaqay berri in taageerayaasha Xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, isugu yimaadaan xarunta xisbiga. waxaanu sheegay in loo sheegi doono fariimo muhiim ah oo ku xusay in dalka lagu badbaadinayo.

Gudoomiye Cirro oo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi ” “Waxaan u sheegaya taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobolka Maroodijeex in ay maalinta Berri ah sideedda subaxnimo (8:00AM) isugu yimaaddaan xarunta dhexe ee xisbiga Waddani si madaxda xisbigu ugaga warranto xaaladda dalku galay iyo waxa inala gudboon xisbi ahaan si aan dalka uga badbaadino kalitalisnimada”

Gudoomiyuhu waxa uu sidoo kale jawaab ka bixiyay eedo madaxwayne Biixi u jeediyay maalinimadii shalay isaga ka jawaabayana waxa uu yidhi ” madaxda xisbigiisa Kulmiye iyo  xukuumaddiisuba waxay caadaysteen kuna soo celceliyaan in uu xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisuba gacan saar la leeyihiin Soomaaliweyn, waxaan umadda u sheegaya in Muuse iyo gacan yareyaashiisu u adeegsadaan ku celcelinta arrintaa kala qaybinta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland ee ay ahayd in ay mideeyaan.

Balse waxaan idiin sheegaya in ay Muuse shakhsiyan u dheer tahay arrintaas adeegsigeeda in uu ula jeedo beel gaar ah oo reer Somaliland ah danta uu ka leeyahayna ay tahay kala haynta iyo kala qaybinta umadda reer Somaliland ee walaalaha ah arrintaas oo sun iyo waabay ku ah dawladnimadeena, sida taxalkana u cunaysa Qaranimadeena iyo wada jirka umadda.

Waxaan cambaaraynayna si aan madmadow ku jirin dhaqanka noocaas ah ee uu ku dhaqmayo madaxweyne Qaran oo ay ahayd in uu umaddiisa mideeyo waxaanu uga digayna haddii uu hore ugu macaashay uguna dano siyaasi ah oo kooban ha ogaado maanta in ay sababi doonto kala dirka umadda iyo burburka Qarannimada ay soo dhisteen”

Bandhige@gmail.com