Guddoomiye-Xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Guray ayaa ku eedeeyey xukuumadda in aanay diyaar u ahayn in ay doorasho qabtaan

Guddoomiye-Xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Gurey ayaa  ka waramay xaalada haatan Dalku ku sugan yahay, kuna eedeyey xukuumadda in aanay diyaar u ahayn inay wax doorasho ah ka qabato dalka,

Mar uu ka hadlayey xaalada dalka waxa  uu yidhi:

 ‘’Idinku taliya ma ogola, aan wada tashano ma ogola aan kala tashano ma ogola, markaa xaalku saw maaha tabtaasay inoo ahaanaysaa”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Cajiib! Fursad kasta oo inaa soo marta oo  doorasho ay ku qabsoomi lahaydba dadka doorasho-diidka  ahi way dileen, halka ay maanta maraysaana fursadda ay doorasho xor iyo xalaal ahi ay dalka ka dhici kartaa kama badana boqolkiiba toban,  laakiin dhinaca ay u badan tahay waa in aanay dalka wax doorasho ahi ka dhici karin waa boqolkiiba sagaashan, iska daayo sanaddada 2015ka iyo 2016ka ee xataa waxaan lagu kalsoonaan karin ilaa 2018ka laftiisa in xukuumaddani ay diyaar u tahay inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah”.

Waxa kale hadalkiisa ku daray

“Arinku marka uu halkaa marayana waxa sida maalinta u cad in la dilay xalkii doorashada oo waliba gacanta madaxweynaha lagu dilay. Hadaba, hadii uu dhintay xalkii doorashadu waxay is waydiintu tahay ma jiri karaa xal kale oon aan doorasho ahayn oo laga fakari karaa”.

Waxa kale uu sheegay  ilaa hadda inta uu arkayo bisayl la,aanta garaadka siyaaada, dhoohananaanta shicibka  iyo awood la’aanta xisbiyada mucaaridka waxaa aanu shaki ku jirin in xukuumaddan talinaysa la  hawaysan karin oo ay kaligood maroorsadaan hogaaminta iyo talada dalka, oo iyagu sida ay doonayaan ka yeeli karaan cidii ka hor timaadna xadhig iyo xabad ku muquunin karaan.

Mar uu ka hadlayey muddo-kordhintii Golaha Guurtina waxa uu yidh

“Waxay iyagu guul u arkaan dabcan Guurtidu oo muddo xileedkoodii uu dhamaaday oo xataa aan ka soo gudbin marxaladii kala guurka ee dalkani ka soo gudbay bari hore , iyo wakiillo muddo xiloodkoodiu dhamaaday oo toban sanadood iska fadhiya hadana iska sii fadhiyaya, iyo Madaxwayne muddo xileedkiisii dhamaaday oo ku qasban inu cid gaar ah danaheeda u joogo oo hadba warqad laga saxeexdo waxna aanu hogaamin”.

Gebo gebadii shirkiisan saxaafadeed wuxuu sheegay in dimuqraadiyadii, doorashooyinkii, madax banaanidii saxaafadda iyo weliba xuquuqal insaankii dhammaantood gabal baasi u dumay afkana wada goosteen.

Ugu dambayntii waxa uu yidhi:

“Ugu dambaystii madaama oo ay doorashadu xal ahayd xalkiina sidaa loo dilay rejedii ugu dambaysayna ay tahay taa maanta  indhaheena oo shan ah oo uu Saleebaan Gaal ku kala daadiyey xal kale oo muuqdaana aanu jirin waxa aynu ka filanaa saw xal la’aantii doorasho diidka ee inta badan ee hore aan ka digay uun maaha. Khasaaraha xal la’aantu ay Somaliland gaadhsiin karto cid qiyaasi kartaana  maanta ma jirto”.

Walaaca uu muujiyey Guddoomiyaha-Xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Guray ayey mid la mid ah muujiyeen xisbiga Waddani oo marar badan isaguna ka dhawaajiyey arrimaha uu Cali sheegay, hase yeeshee xukuumadda ayaa iyaduna dhinaceed eedaymahan oo dhan deedifaysay.

bandhige@gmail.com