Guinea-Bissau: Ra’iisal wasaarihii cusbaa ee la magacaabay ayaa is casilay kadib cadaadis kaga yimid urur goboleedka Ecowas

Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa waxa uu todibaadkii hore Ra’iisal wasaare u magacaabay Mr. Imbali. laakiin ra’iisal wasaarihii hore ee uu shaqada ka fadhiisiyey Mr. Aristides Gomes oo diiday inuu is casilo ayaa waxay khalkhal siyaasadeed abuurtay kahor doorashada madaxweynaha.

Madaxwayne Vaz, oo mar labaad u tartamaya doorashada Nofeembar 24, dhawaan ayay ahayd  markii uu kala diray qaar kamida xubnaha dawladda isagoo sheegay in xaaladda siyaasadeed ay wiiqeyso shaqadii caadiga ahayd ee hay’adaha dowliga ahaa ee waddanka Galbeedka Afrika.

Laakiin urur goboleedka galbeedka Africa ECOWAS ayaa dhalleeceeyay tallaabada, waxayna ku tilmaameen mid sharci-darro ah, isla markaana waxay qabteen shir aan caadi ahayn oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Guinea-Bissau ee maalinimadii Jimcihii si loogu cadaadiyo dowladda Imbali inay is-casisho, iyagoo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan haddii aysan u hoggaansamin.

Xasilooni darro badan ayaa laga dareemaya wadanka Galbeedka afrika waxaana suurtagal ah in inqilaab milatari ka dhaco.

Bandhige@gmail.com