Golaha Guurtida oo Madaxtooyada iyo Wakiillada u kordhiyey 22 bilood

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta kordhiyey muddo-xileedkii Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada ilaa laga gaadhayo 27ka April 2017. Go’aankani wuxu sidoo kale si dadban u kordhiyey xilliga Golaha Guurtida oo markii hore ku ekaa 2016 hase ahaatee haatan u dhacay 2018 maadaama Dastuurku dhigayo in ay mar kasta hal sanno ka dambeeyaan Golaha Wakiillada.

Warqad ay maanta soo saareen Golaha Guurtidu oo uu Xogyaha Golaha Guurtida Cabdillaahi Dheere ka akhriyey Golaha dhexdiisa waxa lagu sheegay in Guurtidu sameeyeen muddo-kordhinta kadib markii ay la tashadeen xisbiyada qiimeeyeena xaaladda gobollada bari iyo xaalladda guud ee dalka isla markaana ku xisaabtameen in aanu weli diyaar ahayn sharcigii loo adeegsan lahaa doorashada Golaha Wakiillada.

“Wakhtiga la qoondeeyey kuma filna muddada loo baahan yahay in sharcigaas lagu dhammeystiro. Waxa loo baahan yahay wada-tashi, isku tanaasul iyo is qancin” ayay yidhaahdeen Guurtidu.

Guurtidu sidoo kale waxay sheegeen in ay tixgeliyeen xaaladda cimilada ee xeebaha Somaliland iyo hoos-u-dhaca ganacsiga ee ka dhashay qalalaasaha Yementa.

Go’aankan maantu wuxu meesha ka saaray taariikhdii ay markii hore Komishanka Doorashooyinku u asteeyeen in ay doorashadu dhacdo oo ahayd 1da June 2015.

Hase ahaatee labada xisbi mucaarid ayaa si adag uga soo horjeestay muddo-kordhinta sheegayna in aanay marnaba aqbali doonin wax ka duwan jadwalkii Komishanka Doorashooyinku soo gudbiyeen.

“Wixii aanu ka baqaynay ayaa maanta dhacay. Go’aankani (muddo-kordhinta) wuxu sumcadda ka xumaynayaa dimuqraadiyaddii Somaliland, wuxu keenayaa in ay bulshada caalamku go’doomiso Somaliland, wuxu wiiqayaa kalsoonidii Guurtida lagu qabay, wuxuna bulshada dhexdeeda ka abuurayaa khilaaf siyaasadeed.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

Madaxweynaha ayuu xilku saaran yahay, waxan ka rajaynayaa in uu qaato jadwalkii Komishanku soo jeediyeen” ayuu sii raaciyey Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha Waddani waxa kale oo uu ka cawday 60 xubnood oo ka mid ah saraakiishii xisbiga oo uu sheegay in ay xukuumaddu ku xidhay gobollada dalka iyo xafiisyadii xisbiga ee Hargeisa, Berbera, Laascaanood iyo Burco oo ciidan lagu wareejiyey.

Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna sidoo kale sheegay in aanay UCID ogolayn muddo-kordhinta maanta Guuritidu samaysay.

“Annagu ma ogolin go’aanka muddo-kordhinta ee Guurtidu maanta gaadhay. Waxan ogolnahay oo kaliya in doorashadu dhacdo 1da June 2016” ayuu yidhi Faysal.

Si kastoo ay tahayba, uma badna in Guurtidu go’aanka ay gaadheen maanta ka noqon doonaan cabasha kasta oo jirta marka la eego sidii ay yeeleen markii ay u kordhinayeen xukuumadihii hore oo aanay midkeedna ka noqon si kastoo mucaaridkii wakhtigaa jiray uga qayliyeen.

Bahda Bandhige

bandhige@gmail.com