Guurtidda waxay ergo culus u dirtay nabaddeynta Beelaha Ceel-af-weyn

 

Shir-gudoonka Golaha Guurtidda ayaa Maanta wufuud Ergo Nabadeyn iyo Xog-ogaal u noqosho ah u kala diray Gobolada Beriga iyo Galbeedka

Ergooyinka ka tirsan Golaha Guurtidda oo ka kooban saddex kooxood, ayaa Ergada ugu culus bar-tilmaameedku yahay Deegaanka Ceel-af-weyn ee Shaqaaqadu ku dhex-martay Beelaha Walaalaha ee wada dega halaasi, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay guda-geli doonaan nabaddeynta dadka wada dhashay, nabadana uga dhex dhalin lahaayeen, waxa la filayaa muddada ay halkaasi joogi doonaan inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Salaadiinta, Cuqaasha iyo wax-garadka Deegaankaasi.

Dhanka kale, Shir-guddoonka Golaha Guurtiddu wuxuu laba Guddi u kala diray Gobolada Tog-dheer iyo Awdal, kuwaasi oo muhimadooda kooowaad tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen Xaalada Nololeed ee Dadka iyo Xoolaha, Riiqda ay Abaarihii is xig-xigay ka tageen, wixii Mucaawimo ah ee Xukuumada iyo Shicibku ugu deeqeen Dadkaasi caydhoobay iyo heerka ay hadda marayso ka soo kabashada Abaaruhu, iyagoo socod ku mari doona Deegaamo badan, waxayna kulamo la yeelan doonaan Madaxda heer Gobol iyo Heer Deegaan ee goobaha ay booqanayaan.

Xigasho: Waaheen Media.

bandhige@gmail.com