Haacaaluu Hundeessaa oo ahaa heesaa caan ka dhex ah qoomiyadda Oromada dalka Itoobiya ayaa lagu toogtay magaalada Addis Abab
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay warbaahinta dowladda, fanaanka waxaa lagu toogtay meel u dhow Guryaha loo yaqaan ‘Gelan Condominiums’ maalinimadii shalay.
Taliyaha Bilayska Addis Ababa Getu Argaw ayaa u sheegay warbaahinta dowladda. Heesaaga ayaa loola cararay cisbitaalka iyadoo xaaladiisu halis tahay laakiin saacado kadib ayaa la sheegay inuu dhintay.
Hal sano ayaa laga jooga kadib dilitaankii Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya, General Seare Mekonnen, oo lagu dilay gurigiisa isaga iyo saaxiibkiis, Maj. General Gezai Abera.
Dadyowga ka falceliyay dilkii Hachalu, ayaa u maleynaya inay u badan tahay inay jirto qorshe siyaasadeed oo ka dambeeya dilkii Hachalu Hundessa, taasi oo qalaalase siyaasadeed ka abuuri karta dalka.
Bandhige@gmail.com