HABEEN OO DHAN GABAY AYAAN TIRIYAA, SUBAXIINA SHEEKO AYUU IGA NOQDAA!!!!.

Nin aannu Saaxiib nahay ayaa maalin dhawayd I xasuusiyay hadalka sare oo aan dhawr iyo toban sano ka hor Idhi. Waxay ahayd meel aannu aniga iyo asxaab kale galinka danbe fadhiisan jirnay, dabadeed waxaa nagu soo biiray nin reer hargeysa ah, oo aannu isna saaxiib ahayn. Maalin kasta oo aannu isu nimaadno ninkaas odayga ah ayaa nagu wareeriyay waraaqo uu na tusayo, oo noogu sheegayo in uu gabayadaas tiriyay. Dhibaatadu waxay ka dhacday, markaannu akhrino ama uu noo akhriyo qoraalladiisa waxay noqotaa sheeko iyo tuducyo jaban dhanka miisaanka iyo qaafiyadda ama labadaba.

 

Maalintii danbe ayuu ninkii odayga ahaa sidiisii nagu bilaabay. aniga ayaa dabadeed ku idhi “Hebeloow sxb aniguba habeen kasta gabayo ayaan tiriyaa, subaxiina sheeko ayay iga noqdaanoo, cidina ma aragtee. Inta aanad dadka tusin, bal adigu dib u akhri waxaa laga yaabaa in aad sidayda oo kale cidna tusine!!!!!!!!!!!!!!”. Amarka ilaahay maalintiibaa noogu danbaysay hawshaas, oo ilaahay wuu ku anfacay odaygii.

Imminka amarka ilaahay Madaxweynaheennii habeen oo dhan Siyaasad khatara ayuu dhigayaa, marka ay subaxa noqotana Sheeko ayay ka noqonaysaa. bal adigu arrinkasta oo uu sameeyo u fiirso, isaga waxay la tahay inuu Siyaasaddii Aby Axmed mid la mid ah wado, dadkana waxay la noqonaysaa wax aan waxba ku dhexjirin. Labadaas SHEEKO maxaa iskaga EEG!!!!!!!!.