Habeenka Cawayska Bile iyo barbaarta Hargeysa

Maxamed Cali Bile ayaa xalay fiidnimadii khudbad ka jeediyey xarunta dhallinyaradda Somaliland ee SONYO, mawduuca kulanka ayaa ahaa MAXAY AQOONTEENNU SAAMAYN U YEELAN WAYDA.

Mahamed Cali Bile oo ah aqoonyahan u dhashahay Somaliland muddooyinkii u danbeeyeyna ka soo shaqeeyay waddamo kale duwan una shaqaynaayey Hay’adda Qaramada Midoobay ee Carruurta UNICEF.

Maxamed Cali Bile ayaa ka sheekeyay halkay ka soo bilaabmatay waxbarashada Soomaalidu ka hor lixdankii halkaas oo uu sheegay in qofka ugu sareeya uu noqon jiray karaani ama turjumaan oo ay ahayd halka ugu saraysa ee la gaadho, halkaana lagu gaadhi jiray fasalka 6 aad.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay in barigii kacaankana waxbarashada lagu dari jiray sidii kacaanku ula shaqayn lahayeen dowladda, wuxuuna sheegay in dhibta haysata waxbarashaddu tahay iyadoon la ogayn qofka la soo saarayo in waxbarashadii la sameeyo taasina ay dhib ku noqotay dhallinyaro badan iyo mustaqbalkii ummaddaba,

Ugu danbayntiix xaflada waxaa su’aalo halkaa lagu waydiyay Maxamed oo isaguna si diiran halkaa ugu jawaabay,

Xafladan oo ahayd xaflad dhallinyaraddu kula caweeyeen Maxamed Cali Bile oonooceedu ku yar tahay ayaa kulmisay dhallinyaro badan, waxaanay dhallinyartii kasoo qayb gashay soo dhaweeyeen kullamada noocan oo kale.

bandhige@gmail.com