Hadhaagii burburkii diyaaraddii Maleeshiya oo la sheegay in la helay

Dawladda Maleesiya ayaa koox baadheyaal ah u dirtay Jasiiradda Reunion oo ku taalla galbeedka fog ee Badweynta Hindiya si ay baadhis ugu sameeyaan hadhaagii burburkii diyaaraddii Maleeshiya ee MH17 ee la waayey sannadkii hore.

War-saxaafadeed qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisal-wasaaraha Maleeshiya Najib Razak ayaa lagu sheegay in la helay qayb loo malaynayo hadhaagii diyaaradda ama garab ka mid ah diyaaraddii la waayey kaas oo ku soo caariyey jasiiradda Faransiiska ee Reunion oo ku taalla galbeedka Badweynta Hindiya jaarna la ah dalka Madagaskaar.

Diyaaraddan Maleeshiya waxa la waayey 8dii March 2014 iyadoo ay saarnaayeen 239 rakaab ahi oo badankoodu dhalasho ahaan ka soo jeeda Shiinaha. Ka hor intii aanay hawada ka bixin waxay ka soo duushay magaalada Kuwaala Lumbuur ee xarunta Malaysia waxayna ku jihaysnayd magaalo-madaxda shiinaha ee Bijiin.

Qayb kasta oo diyaaradda ka mid ah ayaa leh tiro taxane ah oo lagu ogaan karo. Dedaalka baadhista ayaa markii hore xoogga lagu saaray dhul lix kun oo kiilo-mitir u jira bariga Reunion, waxase hadda la filayaa in garabkan la helay uu wax ka beddelo halkii baadhitaannadu ka socdeen.

Wixii warar ah ka soo kordha burburka diyaaradda Maleeshiya kala soco Bandhige.

 

bandhige@gmail.com