Hal ayaa ku geeriyooday, laba qof oo kale waxay ku dhaawacmeen guri ku dumay magaalada Berbera

 

Alle ha u naxariistee hal qof oo gabadh ah ayaa ku geeriyootay, halka laba qof oo kalena ay ciidamada Dab-damisku ka soo badbaadiyeen dhisme ku soo dumay oo qoyskaasi degenaa.

Shilkan ayaa ka dhacay degmada Daaroole gaar ahaan xaafada Barwaaqo.

Ciidamada Booliska magaalada Berbera,dawlada hoose ee magaaaladaasi yo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkan gacan weyn ka geystay.

Geesta kale Ciidamada Dabdemisku ayaa fariin adag u diray bulshada, taas oo ah inay ka taxadaraan, isla markaana dayac-tiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed, sidoo kalena ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan.

bandhige@gmail.com