Halkee ayay maraysaa xaaladda shuban-biyoodka Somaliland, imisaa qof ayuu helaalay imisaase ku naf waayey?

Xanuunka shuban biyoodka oo noqday masiibo galaafatay nolosha boqolaal qof oo Somaliland ah ayaa xaaladdiisu ay hadda sidii hore soo dhaamaysaa iyadoo aanay cidina u geeriyoon maalmihii ugu dambaysay balse uu ku fiday degmooyin hor leh.

Sida ku cad warbixin ay wada-jir u soo saareen Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka “WHO”, tirada dadka u soo dhacaya xanuunka shuban-biyoodka ayaa hoos u dhacay, hase ahaatee wali xanuunku wuu sii jiraa wuxuuna u gudbay magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyadoo uu markii hore faro baas ku hayey Burco.

Tirada guud ee ilaa hadda uu xanuunkani asiibay Somaliland 15,409 qof, kuwaas oo 11,028 ka mid ahi ay yihiin magaalada Burco. Sidoo kale waxa u dhintay 292 qof, kuwaas oo 224 ka mid ahi ay yihiin magaalada Burco.

Hoos ka daalaco faahfaahinta warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ku taariikhaysan 5tii July.

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordhaca xaaladda xanuunkan ka dillaacay Somaliland oo faro baas ku haya.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha. Wixii aad war ka hayso noogu soo gudbi Bandhige@gmail.com.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

http://bandhige.com/shuban-biyoodkii-april-ka-dillaacay-burco-wuxu-soo-ritay-5200-oo-qof/

http://bandhige.com/suspected-cholera-devastates-families-in-somaliland/