Hargaysa: Ciidmadda Booliska oo Gubay Maandooriye Fara Badan iyo Baco Koontarabaan ah

Qoys Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Ciidamadda booliska Somaliland ee la dagaalanka koontarabaanka iyo maandooriyeyaasha caasimadda Hargaysa ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyaha Khamriga, Xashiishad, iyo baco koontarabaan ah, kuwaas oo dalka si qarsoodi ah loo soo gelinayay.

Maandooriyahaasi iyo bacaha koontarabaanka ahaa oo ay dhawaan ciidamadda boolisku soo qabteen, isla markaana ay xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa Khamiistii doraad lagu fuliyay xukunkii maxkamadda.

Waxaana bacahaasi koontarabaanka ah iyo maandooriyii kaleba lagu gubay meel fagaare ah oo ku taalla guleedka caasimadda Hargaysa, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen xeer ilaalinta, maxkamadda gobolka Maroodijeex, iyo ciidamadda booliska.

Bacaha la gubay ayaa dhamaa 250 Kartoon oo Baco ah, kuwaasoo marka gudaha loo sii galo na tiradeedu tahay 5 milyan oo xabadood, halka sidoo kalena la bur-burinayay 1500 oo litir oo Khamri ah, iyo shan jawaan oo Xashiishad ah, oo u dhiganta ilaa 250KG oo xashiishad ah. Kuwaasoo kadib markii la xukumay ay maxkamada gobolka Maroodijeex ka soo saartay qaraar fulin ah, oo ah in la bur-buriyo.

Ka ganacsiga, iyo soo dejinta Bacaha ayaa Somaliland hore looga mamnuucay, kuwaasoo loo arko in ay khatarta ku yihiin deegaanka, iyadoona wxyeelanaysa geedaha, cawska, xoolaha iyin ay o ciida,

Waxaana maxkamadda gobolka Maroodijeex ka joogay goobtii maandooriyaha iyo bacaha lagu bur-buriyay garsooraha maxkamadda gobolka Maroodijeex, Xasan Mataan, waxaanu faah-faahin ka bixiyay xukunkan la fuliyay.

Waxaanu yidhi “Maxkamadda gobolka Maroodijeex, ee Hargaysa, waxay halkan ku fulinaysaa xukuno kala duwan oo ka soo baxay, bacaha koontarabaanka ah ee wadanka la soo geliyo, iyo maandooriyeyaal isugu jira khamri iyo xashiishad. Bulshadda waxaan faraynaa in ay ka waantoobaan koontarabaanka la mamnuucay in wadanka la soo geliyo, iyo maandooriyaha”.

Geesta kale taliyaha ciidanka ilaaladda cashuuraha ee ciidamadda booliska Somaliland taliye Dhego-cade, waxaanu ka warbixiyay tiradda Khamriga, iyo bacaha ee ay gubeen, isagoona digniin u diray dadka ka ganacsadda maandooriyaha.

“Waxaanu halkan ku gubnay 250 Kartoon oo Baco ah, marka gudaha loo sii galena tiradeedu waa 5 milyan oo xabadood. Waxaan uga mahad celinayaa shaqaalaha wasaarada Maaliyadda iyo ciidanka ilaalinta cashuuraha, ee soo qabtay. Waxa kaloon u mahad celinayaa wada shaqaynta fiican ee naga dhaxaysa, maxkamadii xukuntay, iyo xeer ilaalintii ku soo eedaysay, oo iyaguna goobtan nala jooga.

Waxaan bulshadda reer Somaliland mar labaad uga digayaa, Bacda koontarabaanka ah iyo mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan, in shuruucdiisii la cusleeyay, oo baabuurka soo qaada, iyo ninka ka ganacsada, iyo cid kastoo ku lug leh, in sharciga la hor gayn doono.

Waan ku bogaadinayaa maxkamadda gobolka Maroodijeex, iyo xeer ilaalintaba, iyo booliska ilaalinta cashuuraha, sida ay koontarabaanka ula dagaalamaan, iyo badeecadaha aan cashuurnayn ee dalka ka mamnuuca ah e dalka soo gelaysa”ayuu yidhi taliye Dhega-cade.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku bur-burinaynaa Bacaha Koontarabaanka ah, iyo 1500 oo litir oo Khamri, iyo shan jawaan oo Xashiishad ah, oo u dhiganta ilaa 250KG oo xashiishad ah. Kuwaasoo kadib markii la xukumay ay maxkamadu ka soo saartay qaraar fulin ah, oo ah in la bur-buriyo. cid kastoo ku hawlan in ay wadanka soo geliso Koontarabaan, ama mukhaadaraad, waxaan uga digaynaa in aanay dalka keenin”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com