Hargeisa Talks: madal ay afkaarta isku waydaarsadaan diblumaasiyiinta kala duwan ee geeska Afrika iyo aqoonyahanka Somaliland oo Hargaysa laga daahfuray

Hargeisa Talks oo ah madal ay afkaarta isku waydaarsadaan diblumaasiyiinta kala duwan ee gobolka geeska Afrika iyo aqoonyahanka Somaliland ayaa xalay magaalada Hargaysa laga daahfuray.

Kulankan oo ay soo agaasintay ururka Inspire Group ayaa ahaa kulankii ugu horeeyay oo xalay ka qabsoomay Ambassador Hotel Hargeisa ayaa waxaa marti ku ahaa Safiir Ku-xigeenka Ingiriiska, Dr Matthew Rowland.

Kulanka waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaa Kaalmada Horumarinta iyo Gar-gaarka ee Dawlada Boqortooyada Ingiriisku siiso Somaliland; Saamaynta bixitaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub uu ku yeelanayo Siyaasada Arrimaha Dibadda, gaar ahaan Geeska Afrika; iyo Deeqaha Waxbarasho ee Chevening Scholarships.