Hargeysa: Qiimaha Litirka Baatroolka Oo Gaadhay Halkii U Sarreysay Taariikhda Iyo Cabsi Laga Qabo In Gaadiidku Istaago

 

Magaaladda Hargeysa ayaa waxa aad looga dareemayaa shidaal yaraan, kadib markii shidaal wasakhaysan lagu shubay haamaha keydka ee Berbera, kaasi ilaa haatan ku jira. Kaalmaha shidaalka ee magaaladda inta badan waxa ka dhammaaday shidaalka gaar ahaana Baatroolka, taasina waxay sababtay in qiimaha shidaalka ay sare u kiciyaan kaalmaha faro ku-tiris ah oo iyagu sii iibinaya shidaal ay ka keeneen dalka Jabuuti. Arrintan ayaa waxay cabsi galisay gaadiidleyda oo ka baqi qaba sidii ay usii shaqayn lahaayeen maalmaha soo socda haddii aan shidaal la helin. “shidaal yaraan ayaa runtii jirta, kii hore ee wasakhaysnaa ee baabuurta badan waxyeeleeyay, waxaba imika nagaga sii daran in nuurigiisiiba la la’yahay shidaalkii, waxaanan ka baqaynaa inaanu maalmaha soo socda aanu shaqaynba kari weyno oo aanu baabuurta baarkinka iska dhigno.” Sidaasi waxa telefishenka HCTV u sheegay taksiile.

qiimaha baatroolka ayaa sare u kacay, waxaana halka litir magaaladda Hargeysa laga siinayaa 15,000 oo shilinka Somaliland ah, taasi oo noqonaysaa halkii ugu sarreysay ee uu gaadho taariikhda.

“Anigu nafarba ma qaadayo oo waan joojiyay ee ganacsatadan dadkii cunaha qabtay, ee nin waliba litirkii uu haystay qiimaha dulsaartay xukuumaddu haka hadasho.” Sidaasi waxa yidhi mid kamid ah Dadka wata baabuurta isticmaasha shidaalka Baatroolka, gaar ahaan kuwa ku xamaasha gaadiidka yaryar ee Tikta loo yaqaan ayaa xaaladan.

Xisbiyada mucaaridka ayaa shidaal yaraanta dalka ka taagan dhaliisheeda dusha u saareen xukuumadda oo ay sheegeen inay iayadu wareejisay keydkii haamaha shidaalka, “laba sanno iyo badh kahor ayaa xisbiga Ucid uu sheegay dhibaatooyinka ka iman kara haddii haamaha shidaalka la wareejiyo, dhibaatooyinkii maanta waanu aragnaa.” Sidaasi waxa yidhi xoghayaha warbaahinta ee xisbiga Ucid Mr. Yuusuf Keyse.

Xukuumadda ayaa wali  aan ka hadal shidaal yarida dalka ka jirta.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com