Hargeysa waxa laga furayaa xafiiska jaaliyadda Shiinaha

Sida aanu wararka ku helayno, 15-ka December waxa Hargeysa lagaga dhawaaqi doonaa xafiiskii ugu horreeyey ee ay yeeshaan jaaliyadda Shiinaha ee Somaliland.

Furitaanka xafiiska waxa gacan ka gaysanaya Wakiilka Somaliland u fadhiya  Shiinaha Cabdi Maxamuud Saleebaan “Mingiste,” oo ku mashquulsan isu-soo-dhawaynta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo ganacsi ee dalalka Somaliland iyo Shiinaha.

Danjire Mingiste oo ka hadlaya doorka uu xafiiskanni ku yeelan doono xidhiidhka ganacsi iyo wada-shaqayneed ee labadda dhinac, ayaa sheegay in xafiiskan uu hordhac u noqo doono in dal-weynaha Shiinuhu uu indhahiisa usoo jeediyo dhinaca Somaliland oo ah dal dihin oo Ilaahay ku manaystay khayraad fara badan oo u baahan in looga faa’iideeyo maal-gashi Caalami ah.

Munaasibadda lagu furi doono xafiiska waxa la filayaa in ay ka soo qayb-galaan madax ka kala socota Somaliland iyo Shiinaha, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Shiinaha ayaa ah dal saamayn dhaqaale ku leh dunida. Wuxu beryihii ugu dambeeyey u soo jeedsaday sidii uu u gacan qaban lahaa waddamada soo koraya gaar ahaan kuwa Afrika.