HAVOYOCO waxay soo gunaanaday kulan lagaga hadlayey siyaasadda shaqaalaysiinta dhallinyarada, waxa ka qayb-gashay Wasiirka Shaqo-gelinta

Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO ayaa soo gunaanaday kulan lagaga hadlayey siyaasadda shaqaalaysiinta dhallinyarada. Gunaanadkii kulankaa waxa ka soo qayb-gashay Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Hinda Gaani, iyadoo wasiirku carrabka ku adkaysay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay dardargelinta shaqaalaysiinta dhallinyarada Jaamacadaha ka soo baxa.

Hoos ka daawo muuqaalka kulankan ee Horn Cable TV.