Hawd oo 3:1 kaga badisay Gobolka Maroodi-jeex

Tartanka ciyaarraha Gobollada wareegiisa koowaada oo ku bilaabmay dardar iyo xaamaasad ayaa waxa fooday isdaray Gobollada Maroodi-jeex iyo Hawd.

Guushu waxay maanta 3 iyo 1 gool ku raacday Gobolka Haw doo ay ciyaartani noqonayso tan iyo intii ciyaarraha Gobollada ay ku soo biireen ay ka badiyaan Gobolka Maroodi oo hore saddex koob uga qaaday Gobolka Hawd.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xaamasadaysan ayaa waxa uu garsooraha ciyaartu kaadhka cas siiyey ciyaartoy ka mid ah Gobolka Hawd ka dib markii uu qaladka ka galay ciyaartoy Gobolka Maroodi-jeex.

Groupka dhimashada oo ay ku wada jiraan Gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Buuhoodle iyo Hawd ayaa waxay kala leeyihiin,

Maroodi-jeex 3 dhibcood

Awdal 4 dhibcood

Buuhoodle 1 dhibic

Hawd 3 dhibcood

Wali ma cada kooxda u gudubtay wareega labaad, waxa ciyaarta saddexaad ee ay ku kala baxayaan ayaa waxa iskaga hor iman doona Gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal, Buuhoodle iyo Hawd.

Dhinaca waxa sidoo kale Burco ciyaari ku dhexmari doontaa Gobollada Togdheer iyo Badhan.

Halkan hoose ka daawo warka Ciyaartay dhexmartay Maroodi-jeex iyo Hawd:

bandhige@gmail.com