Haweenay is qarxisay oo Cameroon ku dishay 14 qof

Haweenay isku soo xidhay walxaha qarxa ayaa Sabtidii ku qaraxday magaalada Maroua, Kamaruun, waxayna galaafatay 14 qof iyadoo saddex maalmood uun laga joogo markii haweenay kale oo isla magaaladan isku qarxisay ay dishay 22 qof.

Tirada dhimashada qaraxani keenay ayaa la filayaa in ay kor u kacdo maadaama uu jiro dhaawac badani.

Kamaruun ayaa ka mid ahayd waddamada taariikh ahaan Afrika ugu nabadda badan. Hase ahaatee kooxda Booko Xaaraam ayaa sheegtay in ay bar-tilmaameedsan doonaan Kamruun maadaama ay taageertay ololaha ka dhanka ah Booko Xaaraam ee ay hoggaaminayso dawladda Nayjeeriya.

Qaraxan hadda cid sheegatay weli ma jirto laakiin warbaahinta, xukuumadda iyo in badan oo dadweynaha Kamaruun ka mid ah ayaa farta ku fiiqaya Booko Xaaraam.

Kooxda Booko Xaaraam ayaa dagaalkeeda ku salaysay in ay ka soo horjeeddo waxbarashada reer-galbeedka iyagoo aaminsan in dadka muslimiinta ahi ay u baahan yihiin waxbarasho Islaami ah. Waxa la sheegaa in kooxdani ay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida iyo ISIS.

Arbacadii inna dhaaftay ayay ahayd markii gabadh yar oo 9 jir ah oo iska dhigaysay in ay dawarsanayso ay isku qarxisay suuqa khudaarka ee Maroua, Kamaruun. Waxa ku naf waayey 22 labaatan, waxana ku dhaawacmay 22 kale.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com