Haweenay masayrsan ayaa waxay cuntay lacag gaadhaysa 9,000 oo doolar

 

Haweeney ku nool dalka Colombia ayaa cuntay lacag ay kaydsanaysay si uusan uga qaadanin ninkeedu oo khiyaamay.

Sandra Milena Almeida ayaa liqday 9,000 oo doolar oo caddaan ah kadib markii ay ka war heshay in uusan kaligeed ku ekayn oo khiyaanayay.

Tallaabada haweeneydan 30 sanno jirka ah ayaa la ogaaday kadib markii cisbitaal loo qaaday iyadoo caloosha laga hayo.

Dhakhaatiirta ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen kadib caloosheeda ka dhex helay waraaqo badan.

Almeida ayaa lacagta qarisay kadib markey ogaatay in ninkeedu uu gogol dhaafsameeyay.

Markuu ogaaday in ay lacagta ka qarisay ayuuna ka dalbaday in ay siiso kala badh.

Agaasimaha qaybta qalliinka ee cisbitaalka Jaamcadda Santander, Juan Paulo Serrano, ayaa sheegay in lacag isku xiran laga soo saaray mindhicirrada haweeneydan. Isagoo Agaasimuhu ka hadlaya arrintaasi waxa uu yidhi:

“Waxay u muuqataa in uu ahaa ficil niyad-jab ah oo ay ku kacdan haweeneydan, sababo la xiriira dhibaato ay wajaheysay, oo ku kallifay inay cunto lacagta, tanina waxay dabcan saameyn ku yeelaneysaa shaqada caadiga ah ee mindhicirrada bukaanka iyo nolosheeda.”

Almeida oo ka soo jeedda deegaanka Piedecuesta oo ku yaalla waqooyi-bari dalkaas, ayaa la filayaa in ay si buuxda u soo kabato. Sidoo kale waxa uu dhakhtar ka warbixiyey xaaladeeda caafimaad, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Lacagta doollarka ah waa la dhaqay wayna fiican tahay, laakiin lacagta inteeda kale lama isticmaali karo sababtoo ah dheecaanka gaastriigga ee caloosha ayaa waxyeelleeyay.”

Markii lagu guuleystay in lacagta oo sideeda ah la soo saaro, Sandra Milena Almeida waxay sheegtay in ay hadda lacagtaas u dhiganeyso in ay ku aaddo dalxiis tamashleyn ah.

bandhige@gmail.com